Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Maamul cusub u dhistay Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabbane-Muuse-Caynab.jpg?w=1000&ssl=1Cabbane Muuse Caynab

Xildhibaannada Golaha Degaanka Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu, oo shalay liiskooda la shaaciyay kadib markii la soo dhammaystiray xulistooda, ayaa Maanta oo Isniin ah Doortay Guddoomiye Cusub.

Xildhibaannada oo ka kooban 18 xubnood, ayaa Guddoomiyaha Golaha Degaanka ahna Duqa Degmada Baargaal u doortay, nin lagu magacaabo Cabbane Muuse Caynab, kaas oo 13-cod ka helay Doorashada, halka Guddoomiyihii hore ee Baargaal Abukar Indhacadde oo mar kale tartmay uu helay 5-cod oo keliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo Goobta kaga dhawaaqay Natiijada Doorashadaaas, ayaa si rasmiya u shaaciyay in xilka Guddoomiyaha Golaha Degaanka Baargaal uu ku guulaystay Cabbane Muuse Caynab.

Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaannada Golaha Degaanka Baargaal oo ka kooban 18 xubnood ay codeeyeen, kuwaas oo Cabbane ka helay 13-cod, halka 5-cod ee kale uu helay Guddoomiyihii hore ee Baargaal Abukar Indhacadde.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo Maamul cusub u dhistay Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this