Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliiska Gen Muxiyadiin

Recommended Posts

Deeq A.   
Muxiyadiin.jpg?w=1000&ssl=1Taliyaha Xilka laga qaaday Gen Muxiyadiin Axmed Muuse

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse.

Dikteeto Maanta oo Isniin ah ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii  looga qaaday Taliyaha Booliiska Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, waxaana xilkaasi loo magacaabay S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare).

Sidoo kale, waxaa xilkii laga qaaday Taliye ku xigeenkii kowaad ee Ciidanka Booliiska sarreeye Guuto Bile Faarax Cali iyo Taliye ku xigeenkii saddexaad Gaashaanle sare  Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag).

Madaxweynaha ayaa saraakiishaas xilalkii ka qaaday, si dib u habayn loogu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Puntland, sida ku xusan Dikreetada ka soo baxday Xafiiskiisa, balse lama sheegin cid weli loo magacaabay Taliye ku xigeenka kowaad iyo saddexaad ee Booliiska.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliiska Gen Muxiyadiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this