Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshino iska soo horjeeda oo ka bilowday Hirshabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay inuu qabtay mooshin ay ku saxiixan yihiin illaa 54 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada maamulkaasi, kaas oo xilka looga qaadayo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyey ayaa Madaxweynaha HirShabelle waxa ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan iyo musuq-maasuq.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle, Cabdi Xuseen ayaa isla xalay Jowhar ka sheegay in uu qabtay mooshin ay ku saxiixanyihiin 63-Xildhibaan, kaas oo la doonayo in xilka looga qaado guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre.

Mooshinada is-barbra socda ayaa muujinaya halka uu la egyahay Khilaafka soo kala dhex galay madaxda maamulkaasi oo marba marka ka dambeysa ka sii daraya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this