Deeq A. Posted April 27, 2020 1 – Askari ah 24 jir oo toogtay labo muwaaddin oo dhallinyaro ah (iyo ku dar askar kale oo iyaguna toogtay bajaajleey). 2 – Shacab dhallinyaro u badan oo sameeyay muddaaharaad dhaliyay khasaare iyo burbur ah hanti dadweyne. Igu celi qodobka koowaad: Waxaa ii muuqdo 24 jir (u badi inuu dhashay 1996) ku soo hoos koray dagaal-ooge arxan darran, misana Itoobiyaan dul yimid, misana ay al-Shabaab ugu sii dambeysay. Wuxuu askarigaas markhaati ka soo noqday nolol qallafsan oo bin’aadnimada ka baxsan, kana tan weyn maskaxdiisa caruurnimo — oo laga yaabee in xitaa uu sidaa ku waayay waalid ama walaal ama xigto. Isagoon bogsoon cilmi-nafsi ahaan — oo aysan ka tirmin cajaladdii arxan-darrada aheyd ee uu sida tooska ah u soo daawaday markuu yaraa — ayaa maanta la yiri nabad-suge noqo, qorina loo dhiibay. Aan u gudbo qodobka labaad: Dhallinyaro aan helin nolol iyo nidaam si buuxda u haqabtiro baahidooda tan iyo 1991 ayaa ciil-bax biday jeexidda sawirro tabeelle suran iyo shaagag laammiga lagu gubo iyo burburinta boosteejada baabuurta. Xasuuso: Shacabkaas iyo askarigii wax dilayba da’doodu waxba ma kala weyna. Sidoo kale xasuuso askariga iyo shacabkuba dhufsane weynaha ay wadaagaan waa nolol duruufo adag leh oo ay markhaati ka ahaayeen. Dagaal-oogaan u turin. Itoobiyaan baan u turin. Al-Shabaab baan u turin. Siyaasi baan u turin. Ganacsato ayaan u turin. Dhallinyaradaas duruuftaas ku jirtay baa iyagana la yiri hal habeen ku noqda shacab la mid ah shucuubta weligood hoos harsanayay dowlad iyo nidaam. Isku soo duub, way sahlan tahay inaynu la kala safanno labada qodob midkood. Wayna sii sahlan tahay in la siyaasadeeyo oo la yiraahdo askarigu wuxuu metalayaa Villa Somalia iyo mayee shacabka bannaan-baxayo waxay metelayaan oo gadaal ka soo riixayo mucaadradka. Hayeeshee waxaan sahlaneyn — xalkuna yahay — in dhallinyarada Soomaaliyeed laabta lagu qabto, loo turo, aan lagu danaysan, duruufaha adag ay ku jiraanna laga saaro kooda askariga ah iyo kooda shacabka ahba. Wabillaahi Towfiiq Cabdullaahi Janno -Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Abdullahi.janno@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites