Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad ay dowlada ka baartay Coronavirus oo shaaca ka qaaday arrin dhibaato leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Tobaneeyo ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya in ay ku dhiban yihiin baaritaanka COVID-19, oo dowladda Soomaaliya ay shacabka u sameyso.

Qaar kamid ah shacabkaan ayaa noo sheegay in ay heli waayeen natiijada baaritaanka dhecaanadii laga qaaday islamarkaana ay qaarkood ka quusteen.

Sida caadiga markii qofka laga qaadayo baaritaanka waxaa loo sheegaa 24 saac gudahood hadii aysan Jimco soo gelin, balse waxaa la kulanay tobaneeyo dad ah oo ay natiijada ka maqan tahay 4 ilaa 5 maalin iyo qaar waayay oo ay ka soo wareegatay todobaadyo kadib markii laga qaban waayay numberadii loo qoray.

“Waxaan tagay 19-kii bishaan ilaa hada ma helin jawaabta baaritaankii laygu sameeyay waxaana waayay qof i dhaha ma qabtid ama waa qabtaa waayo waxaan qaadan lahaa daawooyin kale iyadoo aan layga hubina COVID-19 layma siin karo daawo kale,” ayuu yiri qof aan magaciisa qarinay oo kamid ah dadka ku dhiban natiijada baaritaanka COVID-19.

Kaliya ma ahan muwaadinkaan ee sidoo kale Caasimada Online waxay la kulantay dad ay siyaasiin ku jiraan oo arrintaan wajahaya “aniga oo aqaano wasiiradda wici karo hadii aan waayay maxaa ka filaysaa qof shacab ah,” ayuu yiri masuul ka tirsan mid kamid ah dowlad gobaleedyada dalka uu baaritaan u tagay Martiini.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalin walba soo bandhigta tiro dad ah oo ay ku sheegtay in laga helay cudurka, balse waxaa jira boqolaal kale oo baaritaanka maray kadib markii ay iska shakiyeen, kuwaas oo aan wali la siinin natiijada.

Qaar kamid ah dadkii iska shakiyay ee is baaray ayaa hadda bilaabay iney shaqa tagaan waxaana suurtagal iney dad kale qaadsiiyaan haddii ay qabaan cudurka ay isaga shakiyeen COVID-19.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this