Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka baarlamaanka Hir-Shabeelle oo caawa qabtay mooshino iska soo hor jeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Khilaafkii maalmahaan ka dhex taagnaa madaxda maamulka Hir-Shabeelle ayaa gaaray in caawa magaalada Jowhar lagu qabto mooshino iska soo horjeeda.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in 54-xildhibaan uu ka qabtay mooshin la rabo in xilka looga qaado Madaxweynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare, oo khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyo.

Cabdi-Xuseen.jpg

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Xuseen ayaa isla caawa Jowhar ka sheegay in uu qabtay mooshin ay ku saxiixanyihiin 63-xildhibaan, kaas oo la doonayo in xilka looga qaado guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre.

Waxaa maalmihii dambe cirka isku sii shareerayey khilaafka siyaasadeed oo soo kala dhex galay madaxda maamulka Hir-Shabeelle.

Khilaafka ayaa xoogiisu waxa uu u dhaxeeyaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle oo isku dhinac ah iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre, waxayna ku wada sugan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta maamulka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this