Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxamed-Xuseen-la-xabaal.jpg?w=1000&ssl=Agaasimaha Cusub Maxamed Xuseen La-xabaal

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dikreeto uu maanta oo Axad ah soo saaray xilkii kaga qaaday Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Puntland Maxamuud Axmed Saalax Caato.

Dikreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale Agaasimaha cusub ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka lagu magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed (La-xabaal).

 Maxamuud Axmed Saalax Caato ayaa xilkaasi hayay mudda sannad iyo sagaal bilood ah kadib markii madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu 28-dii June 2018 u magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa wakhtigaas xilka ka qaaday Xassan Shire Abgaal oo mudda dheer ahaa Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Caafimaadka Puntland balse 28-dii June 2018 loo wareejiyay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this