Deeq A. Posted April 26, 2020 Guddiga Xukuumadda Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ayaa caawa shaaciyay in maanta oo keliya gudaha Puntland laga helay 4 bukaan oo qaba cudurka Coronavirus. Guddiga ayaa sheegay in maanta oo Axad ah xanuunka laga baaray 10 bukaan oo looga shakiyay COVID-19 balse laga helay 4 qof oo keliya inkastoo aysan xusin magaalooyinka ay ku kala sugan yihiin. Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in 10 bukaan ee cudurka laga baaray 7 ay rag ahaayeen halka 3-da kalena ay dumar ahaayeen. Sidoo kale guddigu waxay sheegeen in tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-geliyay gudaha Puntland ay gaartay 10 ruux islamarkaana aysan jirin cid u geeriyootay xanuunka iyo cid ka bogsatay midna. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay kiisas cusub oo COVID-19 ah appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites