Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar mar kale caawa lagu qaaday xerada Xalane ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan caawa ka heleyno xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in lagu qaaday weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal.

Dad ka ag dhow Xalane ayaa sheegay inay maqleen jugta dhowr gantaal oo qoriga hoobiyaha ah, kuwaas oo lagu tuuray xerada UN-ka ee Xalane oo ku taalla degmada Wadajir.

Al-Shabaab oo weerarrada nuucaan ah marar badan ku qaaday xaruntaas weli wax war ah oo ku aadan weerarkan kama soo bixin.

Waa weerarkii labaad oo saacado gudahood lagu qaaday xarunta Xalane, barqanimadii saakay ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal lagu garaacay xaruntan oo si aad ah loo ilaaliyo ammaankeeda.

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay gudaha xaruntaas saakay, sida ilo deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxayna qaar ka mid ah hoobiyeyaashaas ku dhaceen xaafado ka agdhow xerada Xalane oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Guri ay daganaayeen dad shacab ah iyo xero lagu xareeyo Geella oo ku taalla xaafadaha ku teedsan Xalane ayey haleeleen qaar kamid ah madaafiicdii saakay lagu garaacay xaruntaas.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay illaa afar qof oo isku qoys ahaa, iyadoona ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ururka Al-Shababaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii saakay, waxayna qoraal ay soo saareen ku sheegeen in illaa 7 madfac dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay la eegteen gudaha xarunta Xalane.

Al-Shabaab ayaa dhaw mar weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaaday xarunta Xalane oo ay ku shaqeeyaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howgala dalka, isla markaana ay ammaankeeda sugaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM oo si weyn u ilaaliya xaruntaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this