Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiisaska Xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya oo gaartay 436 bukaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga  ka hortagga COVID-19 ee dowladda Federaalka Soomaaliya , ayaa xaqiijiyay in 5 oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 46 xaalada cusub oo 33 kamid ah lab yihiinna ay soo kordheen 24-kii saac ee ugu dambeeyay. 13 qof oo kamid ah bukaannada cusub ayaa haween ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay inay soo kordheen xaaladaha Cusub ee Cudurka, isla markaana 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay Wasaaradda diiwaan-gelisay 46 Ruux oo qaba Cudurka.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 436 ruux, bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 23 ruux.

Dowladda oo qaatay tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

PUNTLAND POST

The post Kiisaska Xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya oo gaartay 436 bukaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this