Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade lagu toogtay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan oo heybtooda aan la aqoonsan ayaa nin ka ganacsada Sigaarka ku dishay xaafada Kaawa Godey ee degmada Dharkenley gaar ahaan nawaaxiga maqaayada Walaalaha.

Illo wareedyo degaanka ah oo u waramay Raadiyaha Shabelle ayaa marxuumka magaciisa kusoo koobay Aboorey.

Dableyda oo tiradooda saddex ayaa laba kamid ah waxaa toogtay ciidamadda ammaanka, halka midka kale uu ka baxsaday meesha ay wax ka dhaceen, sidda ay ku warameen goobjoogeyaal.

Saraakiisha nabad-gelyadda degmada ayaa nan wali fahfaahin buuxda ka bixin dilka oo dhacay abaare Maqribkii.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas oo qeyb ka ah kuwa liddiga ku ah xasiloonida.

Tan iyo markii uu bilowday Soonka, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal noocaan ah oo qeybtooda ay sheegatay xarakada Al-Shabaab, sidda ay baahiyeen baraha internet-ka ee wararkooda faafiya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this