Deeq A. Posted April 26, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa magacaabay wasiiro ka dhimanaa Golahiisa Xukuumadda, sidda lagu sheegay wareegto. Digreetada hoos ka akhriso Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug Mud: Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” Markuu arkay: qodobka 50aad, farqadiisa 4aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug; Markuu tixgeliyay: baahida looqabo magacaabidda Golaha Wasiirada Galmudug; Markuu Garowsaday: Hawlaha baaxadda leh ee shacabka Galmudug ka sugayaan xukuumadda cusub; Markuu la tashaday : Madaxweyne ku- xigeenka Galmudug. Wuxuu xeeriyay magacaabidda laba wasaaradood oo ka dhinaa Golaha wasiirrada Galmudug oo kala ah:- 1) Cabdinaasir Geelle Elmi, wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha. 2) Maxamed Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites