Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo Ka Tirsan Aqalka Congres-ka Mareykanka Oo U Hanjabtay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay waxa ay ugu yeedhay hanjabaada iyo xadgudubka ay ku heyso Suxufiyiinta, iyadoo soo hadal qaaday xadhigii Wariye Cabdicasiis Gurbiye iyo dacwadii NISA ka gudbisay Wariye Harun Macruuf oo ka tirsan Idaacada VOA.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku sheegtay in ololaha cabsi gelinta iyo hanjabaada ay NISA ku heyso Wariye Harun Macruuf uu yahay mid aad looga naxo oo aan la aqbali karin.

“Weeraradan, oo ay weheliso xadhigii 14-kii Apriil ee Cabdicasiis Axmed Gurbiye isagoo ka hadlaya saameynta COVID-19 ee Soomaaliya, ayaa ah xadgudub aan la aqbali karo oo ku saabsan xuquuqda aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha”ayay tidhi Ilhan Cumar.

Ilhaan ayaa sheegtay in dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay sannadihii u dambeeyay ay qaaday tallaabooyin muhiim ah, iyadoo xustay inay u ololeysay deyn cafinta Soomaaliya iyo tallaabooyin kale oo gacan ka geysanaya sii wadidda horumarka, balse waxa ay tilmaamtay dhibaatada sii kordheysa ee cabsi gelinta iyo xadhigga suxufiyiinta ay ka mid yihiin Harun Macruf iyo Cabdicasiis Gurbiye ay khatar ku yihiin horumarkaas.

Waxaa ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiso weerarada ka dhanka ah xoriyadda hadalka iyo xoriyadda saxaafadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa eedeymo kala duwan kala kulantay dowladdo iyo ururo caalami ah, oo ku aadan ololaheeda ka dhanka ah Wariyeyaasha

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this