Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Shaacisay In Qof Kamid Ah Yimid Puntland Laga Helay COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jigjiga)-Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Itoobiya ayaa shaacisay inay diiwaan-gelisay qof Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus oo sameeyn ballaadhan ku yeeshay Caalamka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in qofka laga helay Cudurka uu ku sugan yahay Magaalada Jigjiga, isla markaana si deg deg ah loo geeyay Xarunta loogu talagalay Karantiilka.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in qofka laga helay Coronavirus uu ka yimid dhanka dowlad Goboleedka Puntland uuna xaaladiisa Caafimaad la tacaalayaan dhaqaatiirta.

Tirada guud ee xanuunka COVID-19 laga helay ayaa gudaha dalka Itoobiya ayaa gaadhay 123 qof, halka ay bogsatay 41 qof, waxaana Cudurka gudaha ugu geeriyooday saddex qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this