Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne QOOR QOOR oo magacaabay laba wasiir oo cusub oo lagu murunsanaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa maanta oo Axad ah magacaabay labo wasiir oo ka dhinnaa xukumadiisa cusub.

Cabdinaasir Geelle Cilmi oo ahaa gudoomiyihii guddiga doorashooyinka Galmudug ee lagu soo doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Galmudug.

Xilka Wasiirka qorsheynta ayaa ahaa mid lagu muransanaa maalmihii la soo dhaafay, waxaana isku hayay dhinacyo kala duwan oo daneynayay xilkan oo isugu jiray Xildhibaano, Ganacsato iyo rag kale oo ku dhowaa Madaxda dowladda.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Maxamed ayaa loo magacaabay wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamulkaasi, waxayna labadaan xil ahaayeen kuwa uu muran ka taagnaa balse markii dambe xal laga gaaray.

24 -tii bishaan April ayaa Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxa uu magacaabay Xukumad ka kooban 23 wasaaradood oo ay ka soo muuqdeen Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaa ku jiray Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan Saabir oo kamid ahaa xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo ku dhawaaqo wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha Maamulka Galmudug oo hadda shaqo laga wado.

Halkaan hoose ka akhriso magacaabista uu sameeyey madaxweyne Qoor Qoor

 

gele.-813x1024-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this