Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Dabley hubaysan oo fal Dila ka fulisay Gobolka Sanaag+Gaadhi ay dhaceen& Halkay la tageen

Recommended Posts

Deeq A.   

Degdeg:Dabley hubaysan oo fal Dila ka fulisay Gobolka Sanaag+Gaadhi ay dhaceen& Halkay la tageen

 

marxuumkaas1.jpg?w=1000&ssl=1

Marxuumka la dilay

Wararka ka imaanaya jidka u dhexeeya tuulooyinka Midigale iyo Cawsane ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas ay saaka dil ka gaysteen dableey hubaysan oo aan weli haybtooda la aqoonsan.

Kooxda hubaysan oo jid-gal sameeyay ayaa dilay qof shacab ah oo watay gaari Laylo calawi ah (Land Cruiser) kaasi oo ka yimid dhinaca degaanka Ceeldaahir waxaana ay goobta ka wateen gaadhigii. Marxuumka la dilay ayaa magaciisa  lagu sheegay Cabdiwahaab cawil.

Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii dilka gaystay ay gaadhiga ula baxsadeen dhinaca Miyiga ah ee xigta degaanka Buraan islamarkaana aan weli gacanta lagu soo dhigin.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this