Deeq A. Posted April 26, 2020 Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka ku dhacay xaafadda Xalane oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Weerarkaan loo adeegsaday madaafiicda ayaa waxaa la sheegay in lala damacsanaa xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, safaarado iyo hay’ado kale. Ugu yaraan hal qof oo haweeney aheyd ayaa ku dhimatay hoobiyeyaashaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 5 kale oo shacab ah, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaafiicdaan ay waxyeelo ka soo gaartay Geel lagu hayey xero ku taalla halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir iyo taliska AMISOM oo ku aadan weerarkaasi. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda hoobiyeyaashan, waxaana ay baahisay in illaa todobo mad-fac ay ku hoobteen xerada Xalane ee M/Muqdisho. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab laguma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid degan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites