Sign in to follow this  
Deeq A.

Thaabit oo shaaciyey waxa ay dhacdadii Muqdisho uga dhigan tahay madaxda DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii hore ee Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay dilkii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Degmada Boondheere ugu geystay laba ruux oo shacab ahaa oo mid kamid ah ay aheyd Haweeney Umul ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa wuxuu ku sheegay in wax ayaan-darro ah ay tahay in Askartii wax badbaadin laheyd ay iyagu sababaan dhimasho, isla markaana waxaa uu rajeeyay in cadaalada la waafajiyo Askarigii fuliyay falkaas.

Thaabit ayaa madaxda ugu sareeyo dalka iyo Hey’adaha Amniga ugu baaqay inay cashir ka bartaan dhacdadii ka dhacday Boondheere.

Mar uu ka hadlayey Bandowga saaran Muqdisho ayuu sheegay in arrinta Bandowga ay u baahaan tahay wacyigelin ballaaran.

Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi.

Allaha u naxariisto Madiino Cabdullahi iyo Xassan Cali oo ay ciidanku ku dileen Boondheere. Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoysaska marxuumiinta, samir iyo iimaanna Allaha ka wada siiyo.

Waa ayaan-darro iyo qalbi jab in askartii wax badbaadin lahayd iyagii dhimasho sababeen. Madaama lasoo xiray gacan-ku-dhiiglihii, waxaan rajeynayaa in cadaaladda la waafajiyo. Arrinta Bandoowga waxay u baahan tahay wacyigelin ballaaran iyo inaan la sahashan halista ka dhalan karta bulsho iyo ciidan aan Bandoow horey u arag.

Dhacdooyinkii shalay iyo habeen hore wax la aqbali karo ma ahan, waana in Madaxda iyo Hay’addaha amnigu wax ka bartaan, kana foggaadaan waxwalba oo dadkeena dulqaadka badan wax u dhimi kara.

Shacabkeena waxaan leeyahay madaama Bandoowgii lagu soo celiyay 8:00 fiidnimo, fadlan u hoggaansama, hadii aad aragtaan wax aydan qaadan karin, si nabdoon u bannaanbaxa oo yaanan la isku qaldin askari qalad galay iyo astaamaha Qaranka. Madaxda Qaranka waxaan xusuusinayaa in dadka la dhiso ayaa ka horeysa in dalka la dhisaa, si dadku wax u xeeriyaan waqtiyada adag iyo waqtiyada baraarahaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this