Deeq A. Posted April 26, 2020 Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dacwadda hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay sheegtay inay ka gudbisay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta Af-Soomaaliga ee VOA. 23-kii bishan, Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay dhigtay barta twitter-ka ku sheegtay “NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista gal-dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon.” Wixii ka dambeeyay gudbinta dacwadaasi waxaa ka hadlay dad badan oo isugu jiray wariyaal masuuliyiin xilal soo qabtay iyo kuwa hada haya intaba , Waxaana ay sheegeen dhamaantood oo ay ka sinaayeen in nisa ay ku xad gudubtay madax banaanida xuriyada hadalka , Qoraal ay Ilhaan soo saartay aye ku sheegtay in arintan ay tahay olole cabsi gelin ah, oo aad looga walaaco, islamarkaana aan la aqbali karin.” “Ololaha cabsiga gelinta ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf waa kuwa si qoto-dheer looga wel-welo. Weeraradan, iyo sidoo kale xarigii 14-kii April loogu gaystay muqdisho weriye Cabdicasii Axmed Gurbiye ka warramidiisa saameynta COVID-19 ee Soomaaliya, waa xadgudub aan la aqbali karin oo lagu sameeyey xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka,” ayey tiri Ilhaan Cumar. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka oo dhammeystiran:- Shaqadayda kamid ahaanshaha aqalka arrimaha dibadda ee xubnaha Xildhibaanadda, Ilaalinta xaquuqda iyo xorriyaddaa saxaafaddu waxay ka mid yihiin arrimaha aan siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba u aaminsanahay. Haddii ay noqon lahayd in caddaalad loo helo dilkii Jamal Khashoggi, uqareemidda in xabsiyada laga sii daayo suxufiyiinta xabsiyadda ku jira amaba dhawrista xaquuqda jiritaanka saxaafadda madaxa banaan inay ka hadlaan arrimaha gudaha wadankan si aan cabsi lahayn, Kamana reebana aragtidayda ku aadan in saxaafadda xorta ahi ay aasaas u tahay umad leh qaab demoqoraadi ah. “Hanjabaadaha joogtada ah ee hayada Nabadsugidda Soomaaliya ay kula kacday wariye Harun Macruf waa wax aan aad uga calool xumaaday. Ladagaalankaan oo ay kamid ahayd tii lagu xiray Iyana 14kii bisha afaraad Abdiaziz Ahmed Gudbiye asagoo kasoo waramaya cudurka caabuqa ee COVID-19 ee Soomaaliya maahan arrin la aqbali karo, waana xadgudub xaqqda bini’aadanka ah. “Dawladda dhexe ee Soomaaliya waxay qayb ka ahayd is hortaaga xaquuqahaas iyo xadgudyadda lagula kaco saxaafadda sanaddihii lasoo dhaafay. Waxaan si joogtay isu garab istaagay sidii daymaha looga cafin lahaa Soomaaliya si loogu tilaabsado horumar waara. Waxaase sii kordhayay caga juglaynta, cabsigalinta, iyo xariga saxufiyiinta ay ka midyihiin Harun iyo Abdiaziz ayaa wuxuu kamid yahay dib u dhaca saxaafadda.” View the full article Share this post Link to post Share on other sites