Deeq A. Posted April 26, 2020 Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee Waqooyiga Soomaaliya. Dilka oo ay fuliyeen rag hubeysan ayaa waxaa loo geystay qof shacab ahaa ah oo watay gaari Land Cruiser, xilli uu marayey inta u dhexeysa Midigale iyo Cawsane. Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyey Cabdiwahaab Cawil, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dableyda dilka fulisay ay horay u sii kaxeysteen gaariga marxuumka, iyaga oo la sheegay inay la’aadeen dhinac Miyiga ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada ammanka Puntland ee ka howlgala deegaanada uu dilku ka dhacay. Inta badan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa ka dhaca dilal la xariira aanooyin Qabiil, kuwaas oo ay isu geystaan maleeshiyaad beeleed ku sugan gobolladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites