Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye cusub oo loo magacaabay saldhiga degmada Boondheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya uu shalay galab xilkii ka qaaday Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Boondheere ayaa waxaa durba la magacaabay taliye cusub oo xilka kala wareegi doono taliyahii hore.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay Boondheere ayaa waxaa lagu magacaabaa Dhamme Cabdi Shiikh Ciise, wuxuuna durba la wareegay shaqadii degmada oo usii socoto sidii caadiga aheyd.

Sababta xilka looga qaaday Taliyihii hore ayaa lagu sheegay dilkii uu Askari ka tirsan Booliska degmada uu u geystay laba qof oo Shacab ah, oo midi ay aheyd Haweeney umul aheyd.

Kadib dilkaas, waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo rabshado wato oo keenay in la gubo sawirada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabashada ka timid shacabkaas careysan ayaa keentay in xilkii laga qaado Taliyihii Booliska ee Degmada Boondheere halka xabsiga loo taxaabay askarigii dilka geystay iyadoo la filayo in maalmaha soo socdo uu kasoo muuqdo maxkamad.

Sidoo kale banaanbaxyadaas ayaa keenay in bandowgii saarnaa Magaalada Muqdisho loo celiyo waqtigiisii hore ee 8:00 fiidnimo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this