Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Hoobiyayaal Lagu weeraray Xarunta Guud ee AMISOM ku leedahay-Muqdisho+Khasaaraha Dhimashada &…..m

Recommended Posts

Deeq A.   
WEERAR hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday XALANE iyo dad dhowr ah oo ku dhintay

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo saaka lagu qaaday xerada Xalane ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in tiro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen gudaha xaruntaan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in qaar ka mid ah hoobiyeyaasha ay ku dhaceen xaafado ka agdhow xeradaasi oo ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan guri ay daganaayeen dad shacab ah iyo sidoo kale xero lagu xareeyo Geella oo ku taal halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay illaa afar qof oo isku qoys ahaa, iyadoona ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah.

Dhinaca kale Al-Shababaab oo sheegatay mas’uuliyidda weerarkan ayaa faah faahin ka bixisay hoobiyeyaashaasi.

Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 7 madfac dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay la eegteen gudaha xarunta Xalane.

Xarunta Xalane oo uu ku taalla taliska guud ee ciidanka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, sidoo kalena ay dagan yihiin safaarado iyo hay’ado caalami ah ayaa waxaa marar badan hoobiyeyaal ku weeraray dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this