Sign in to follow this  
Deeq A.

Dablay Hubeysan Oo Dil Iyo Dhac Ka Geysatay Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sanaag)-Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka dabley hubeysan ay dil iyo dhac ka geysateen gobolkaasi.

Maleeshiyaadka hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa wadada u dhexeysa tuulooyinka Midigale iyo Cawsane u galay qof oo shacab ah oo watay gaadhi Land Cruiser oo ka yimid dhinaca deegaanka Ceeldaahir, sida ay noo sheegeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda fulisay weerarkaasi ay toogteen wadaha gaadhiga oo magaciisa lagu sheegay, Cabdiwahaab Cawil, iyagoona goobta iskaga baxsaday.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in raggaasi hubeysan ay la baxsadeen gaadhiga marxuumka, islamarkaana ay la tageen dhanka Miyiga ah.

Inta badan waxaa Sool iyo Sanaag ku soo laa laabta dilal la xidhiidha aanooyin Qabiil, kuwaas oo ay isku geystaan beelo walaalo ah oo wada daga gobolladaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this