Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabley hubeysan oo dil iyo dhac ka geysatay gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka dabley hubeysan ay dil iyo dhac ka geysatay gobolkaasi.

Maleeshiyaadka hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa wadada u dhexeysa tuulooyinka Midigale iyo Cawsane u galay qof oo shacab ah oo watay gaari Land Cruiser oo ka yimid dhinaca deegaanka Ceeldaahir, sida ay inno sheegeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda fulisay weerarkaasi ay toogteen wadaha gaariga oo magaciisa lagu sheegay, Cabdiwahaab Cawil, iyagoona goobta isaga baxsaday.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in raggaasi hubeysan ay la baxsadeen gaariga marxuumka, islamarkaana ay la aadeen dhanka Miyiga ah.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka, basle ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa haatan howlgallo ka wada halkaasi.

Inta badan waxaa Sool iyo Sanaag ku soo laa laabta dilal la xiriira aanooyin Qabiil, kuwaas oo ay isku geystaan beelo walaalo ah oo wada daga gobolladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this