Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Finish oo ka faala qaaday Nolosha Qoyskii ay ka baxeen laba marxuum oo lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Finishka.jpg?w=1000&ssl=1

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Cumar Finish ayaa  guryahooda ku booqday qoysaskii ay ka baxeen laba  marxuum oo habeen hore askari ka tirsan Booliiska Soomaaliya uu ku dilay magaalada Muqdisho.

Labada marxuum oo magacyadooda lagu sheegay Madiina Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe ayaa askarigaas ku dilay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir waxaana markiiba xabsiga la dhigay askariga.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa qoysaskii uu la kulmay u sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ka faala qaaday nolosha Qoysaska islamarkaana dhowaan sharciga la horgayn doono askarigii dilka gaystay oo haatan xabsiga ku jira.

Dilka labada qof ee Rayidka ah ayaa sababay bannaan-baxyo ka dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho kuwaas oo looga horjeeday dilka shacabka.

Sidoo kale waxaa dhacdadaas xilka looga qaaday Taliyihii Saldhiga Booliiska degmada Boondheere ee gobolka Banaadir oo maamulayay askariga wax dilay.

PUNTLAND POST

The post Cumar Finish oo ka faala qaaday Nolosha Qoyskii ay ka baxeen laba marxuum oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this