Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Dableey hubaysan oo dil ka gaystay gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   
marxuumkaas1.jpg?w=1000&ssl=1Marxuumka la dilay

Wararka ka imaanaya jidka u dhexeeya tuulooyinka Midigale iyo Cawsane ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas ay saaka dil ka gaysteen dableey hubaysan oo aan weli haybtooda la aqoonsan.

Kooxda hubaysan oo jid-gal sameeyay ayaa dilay qof shacab ah oo watay gaari Laylo ah (Land Cruiser) kaasi oo ka yimid dhinaca degaanka Ceeldaahir waxaana ay goobta ka wateen gaarigiisi. Marxuumka la dilay ayaa magaciisa  lagu sheegay Cabdiwahaab cawil.

Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii dilka gaystay ay gaariga ula baxsadeen dhinaca Miyiga ah ee xigta degaanka Buraan islamarkaana aan weli gacanta lagu soo dhigin.

Laamaha Amniga Puntland ee gobolka Sanaag ayaa haatan halkaasi ka wada hawlgallo lagu baadi-goobayo kooxdii dilka gaystay oo la baxsaday gaarigii marxuumka la dilay.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Dableey hubaysan oo dil ka gaystay gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this