Deeq A. Posted April 26, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dil qorsheysan Boosaaso loogu geystay askari ka tirsanaa ciidanka amniga Puntland. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cumar Maxamed Yuusuf, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in dilka ka hor uu iska hor imaad dhex-maray ragga weerarka fuliyey iyo askariga oo dhaawac ahaan markii dambe u geeriyooday. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyey toogashadaasi, iyagoona horay u sii qaatay qorigii uu watay askarigaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan Al-Shabaab iyo Daacish ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya deegaanada maamulka Puntland, kuwaas oo weli ku xoogan gobolka Bari. View the full article Share this post Link to post Share on other sites