Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamar-Weyne & Heliwaa oo xalay bar-bar dhac galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle isaga horyimid degmooyinka Xamar-Weyne iyo Heliwaa oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir.

Labada degmo oo ku wada jiray Group-ka B, is aragiisa koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan.

Tartanka ayaa ku soo idlaaday bar-bar dhac, kadib markii Xamar-Weyne ay la timid 12 dhibcood, halka si la mid ahna Heliwaa ay keensatay 12 buundo, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka Shabelle, Xasan-Weli Sheekh Abuubakar.

Waa habeenkii saddexaad ee uu tartanka ku dhammaanayo bar-bar dhac, iyadoona natiijo isla mid ah ay la yimaadeen degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley oo isku beegmay iyo sidoo kaleKaaraan iyo Howlwadaag oo iyana bar-bar dhac galay.

Caawa waxaa tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo galaya habeenkiisa 4-aad ku ballansan Balcad iyo Dayniile oo kala matali doono gobollada Banaadir iyo Sh/Dhexe.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this