Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo muwaadiniin fara badan kala baxay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaacisay in boqolaal ka mid ah muwaadiniinta Turkiga ee Soomaaliya ku sugan dib loogu celiyey dalkaasi, sababo la xiriira faafista cudurka halista badan ee Coronavirus oo saameyn xoogan ku yeeshay Soomaaliya.

Sidoo kale safaarada ayaa sheegtay in arintaan ay qeyb ka tahay qorshe ay xukuumada Ankara muwaadiniinteeda uga soo saareyso dalalka uu saameyey Covid-19.

Diyaaradda Turkish Airlines oo xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa keentay Soomaali laga soo qaaday dalka Turkiga, iyadoona sidoo kale qaaday in ka badan 100 muwaadin oo Turkish ah, kuwaas ku xayirnaa Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, Yavuz Selim Kiran ayaa sheegay in ay dalka dib ugu soo celin doonaan 1411 muwaadiiniin Turkish ah, kuwaas laga soo saari doono wadamada Mareykanka, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Mauritania, Nigeria, Senegal iyo Somalia oo dhammaantood uu ka jiro cudurka Coronavirus.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda shaacisay kiisas gaaraya ku dhowaad 400 oo qof oo badi ku sugan M/Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this