Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo guddoomiyey kulan looga hadlayey COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyey shirka guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 oo looga hadlay dardargelinta  wacyi-gelinta Coronavirus.

Barnaamijyadan ayaa la sheegay in bulshada lagu fahamsiinayo khatarta iyo sida looga gaashaaman karo xanuunka COVID-19, si loo yareeyo faafitaanka cudurka.

Kheyre ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha ka hor tagga Corona, islamarkaana ay fuliyaan tallaaba kasta oo ay u arkaan in looga hortegi karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa inta karaankeed ah la tacaaleysa cudurka Coronavirus, xilli gudaha Soomaaliya laga diiwaan-geliyey in ka badan 390 kiis oo xanuunkaas ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this