Deeq A. Posted April 26, 2020 Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyey shirka guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 oo looga hadlay dardargelinta wacyi-gelinta Coronavirus. Barnaamijyadan ayaa la sheegay in bulshada lagu fahamsiinayo khatarta iyo sida looga gaashaaman karo xanuunka COVID-19, si loo yareeyo faafitaanka cudurka. Kheyre ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha ka hor tagga Corona, islamarkaana ay fuliyaan tallaaba kasta oo ay u arkaan in looga hortegi karo. Dowladda Soomaaliya ayaa inta karaankeed ah la tacaaleysa cudurka Coronavirus, xilli gudaha Soomaaliya laga diiwaan-geliyey in ka badan 390 kiis oo xanuunkaas ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites