Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox hubeysan oo saaka dil ka geysatay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo saacadihii hore ee saaka askari ka tirsanaa ciidanka amaanka ee dowlad goboleedka Puntland loogu geystay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dilka oo ay fuliyeen kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa askariga loo geystay magaciisa lagu sheegay Cumar Maxamed Yuusuf.

Wararka ayaa sheegaya in dilka ka hor uu iska hor imaad kooban dhex-maray kooxda wararkaasi fulisay iyo askariga oo dhaawac ahaan markii dambe u geeriyooday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga ka dambeeyey toogashadaasi ay horay u sii qaateen qorigii uu watay marxuumka, iyagoona goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa sidoo kale gaaray meesha uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka Puntland ay ka bixiyeen dilkaasi iyo howlgallada xigay intaba.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Boosaaso ka dhacayey falal liddi ku ah nabad-gelyada, kuwaas oo u badnaa dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegteen Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this