Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiro hoobiyeyaal ah oo ‘lala beegsaday’ Xalane iyo khasaare ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo saaka lagu qaaday xerada Xalane ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in tiro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen gudaha xaruntaan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in qaar ka mid ah hoobiyeyaasha ay ku dhaceen xaafado ka agdhow xeradaasi oo ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan guri ay daganaayeen dad shacab ah iyo sidoo kale xero lagu xareeyo Geella oo ku taal halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay  illaa afar qof oo isku qoys ahaa, iyadoona ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah.

Dhinaca kale Al-Shababaab oo sheegatay mas’uuliyidda weerarkan ayaa faah faahin ka bixisay hoobiyeyaashaasi.

Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 7 madfac dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay la eegteen gudaha xarunta Xalane.

Ma shaacin Al-Shabaab, haddii uu jiro khasaare ka dhashay weerarkaasi oo ahaa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Xarunta Xalane oo uu ku yaalla taliska guud ee ciidanka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, sidoo kalena ay dagan yihiin safaarado iyo hay’ado caalami ah ayaa waxaa marar badan hoobiyeyaal ku weeraray dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this