Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Bandowga Muqdisho oo burinaya ujeedka markii horeba ay DF usoo rogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Habeen kasta booliska Soomaaliya ayaa xabsiyada degmooyinka gobalka Banaadir iyo gaadiidka shabaqlaha ah isuga geeyo tobaneeyo dhalinyaro ah, kuwaas oo laga qabtay Muqdisho kadib marka ay u hogaansami waayaan Bandowga gobalka Banaadir.

Caasimada Online waxay la hadashay dad kale duwan, kuwaas oo dhamaantood noo sheegay in tobaneeyo qof la isugu geeyo gaadiidka shabaqlaha ah iyo xabsiyada degmooyinka saacado kadibna siyaabo kale duwan lagu sii daayo.

Dadka aan la hadalnay oo ku nool ugu yaraan 8 degmo waxay si isku mid ah noogu sheegeen in marka la qabto xabsiyada iyo gaadiidka shabaqlaha ah la isugu geeyo taasina ay halis ku tahay caafimaadkooda iyo kan Bulshada.

“Haddii habeen kasta 10 ilaa 20 qof lagu xiro xabsiyada degmooyinka kadibna ay kala qaadaan cudurka laguna sii daayo magaalada soo ma ahan mid ka hor imaaneysa ujeedka Bandowga,” ayuu yiri mid kamid ah dadka la xiray ee la sii daayay oo la hadlay Caasimada Online.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa habeen hore sheegay in dowladda ay xabsiyo badan isugu geyso dad kala duwan taasina ay halis ku tahay caafimaadka Bulshada isagoo ku baaqay in go’aankaas ay ka laabato dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo arirntan wax laga weydiiyey ayaa sheegay inay qalad tahay, balse ay kiisaskan yihiin kuwa yar, oo inta badan aanay dhicin in dad la isugu geeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this