Jacaylbaro Posted September 14, 2010 Hargeysa (Jam)- Diyaarad yar oo ay leedahay hay’adda ICAO, ayaa galinkii dambe ee shalay ku soo dhacday madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, kadib cilad ku timi awgeed ay u bixi waayeen taayiradu. Rakaabkii diyaarada saarnaa oo tiradoodu gaadhayso ilaa 12 qof oo isugu jiray afar shaqaalihii diyaarada ah, 7 Soomaali ah iyo qof la sheegay in dhalashadiisu Talyaani tahay ayaanay waxyeelo soo gaadhin, balse waxa khasaare aan xadigiisa la qiyaasin soo gaadhay diyaarada siday. Sida ilo wareedyo kala duwan oo galinkii dambe ee shalay madaarka Hargeysa ku sugnaa, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in diyaarada oo ah nooca yaryar ee Qaramada Midoobay adeegsato ahi, ay duhurnimadii shalay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, iyada oo u sii jeeday dhinaca maamul-goboleedka Puntland, balse markii ay ka kacday madaarka Garawe ee ay damacsanayd inay ku degto garoonka diyaaradaha Boosaaso ayey cilad ku timi awgeed taayiradu u bixi waayeen, iyada oo markii ay wax gurmad ah ka weyday Puntland u soo noqotay dhinaca Hargeysa. Markii diyaaradu soo gashay hawada Somaliland ee ay maamulka madaarka Hargeysa la socodsiisay cilada ku timi, ayaa duuliyeyaasha lagu amray inay shidaalka ku dhameeyaan hawada si looga badbaado qarax diyaarada ku yimaad, kadibna ku soo daayaan dhabaha diyaaradaha, iyada oo halkaasi loogu diyaariyey dam-damisyo laga keenay dhinaca magaalada Hargeysa, kadib markii uu fadhiistay dam-damiskii ugu weynaa ee madaarku lahaa. Dhawr saacadood markii ay diyaaradu hawada wareegaysay ee shidaalkii dhamaysatay, ayey duuliyeyaashii waday iyada oo bilaa taayiro ah ku soo daayeen dhabaha madaarka, waxaana soo gaadhay burbur aan khasaarihiisa la qiyaasin, balse nasiib-wanaag waxyeelo soo may gaadhin rakaabkii diyaaradu siday, waxaana laga soo saaray iyaga oo bad qaba. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted September 14, 2010 ^^ What is a 'dam-damis'? Fire engine? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 14, 2010 Rumors say it was taken to Burco ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ibtisam Posted September 14, 2010 Did anyone get hurt? AND WHY? Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted September 14, 2010 Old soviet era planes should be banned from Somali skies. Too old and no maintenance. I would advise you all not to go via Djibouti on Daallo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 14, 2010 No one is hurt ..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
AfricaOwn Posted September 14, 2010 Dallo is a great East African Airline. Don't listen to him folks. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted September 15, 2010 Is Crashland between Bugland and Casayrland? Quote Share this post Link to post Share on other sites
GaroweGal Posted September 15, 2010 Dallo airline :confused: East African airline, never heard of it before. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted September 15, 2010 Originally posted by AfricaOwn: Dallo is a great East African Airline. Don't listen to him folks. Typical I tell the owner the same thing Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 15, 2010 Originally posted by GaroweGal: Dallo airline :confused: East African airline, never heard of it before. East African is the best so far ...... the have a direct flight Hargeisa/Nairobi/Hargeisa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Resistance Posted September 15, 2010 I was there when it crash landed, at first us folks waiting for relatives were led to beleive it was the expected Jubba airways that had the problems, so after it landed safely we all said alxumdullilah only then did we see the small plane circling the airport. When it landed the joke among Hargeisa folks was 'Ruushkii baa fuuley' and the best one 'Zaad baa tyre loogu diray ' Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 15, 2010 'Zaad baa tyre loogu diray ' Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted September 15, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: quote: 'Zaad baa tyre loogu diray ' Resistence, Alxamdulillaah in qaraabada Alle kuu badbaadshay!. Quote Share this post Link to post Share on other sites
GaroweGal Posted September 16, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: quote:Originally posted by GaroweGal: Dallo airline :confused: East African airline, never heard of it before. East African is the best so far ...... the have a direct flight Hargeisa/Nairobi/Hargeisa. Those places don't tickle my fancy at all. I want an airline that can take me directly to garoowe If it can't do that then it must be a useless airline. Quote Share this post Link to post Share on other sites