Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Askarigii dilay the two civilians arrested

Recommended Posts

I hope in sharciga la marsiiyo. Labada marxuum uu dilayna Eebbe ha u raxmado, reerkiisa samir iyo iimaan.

2020425637233842908447127.jpg

 

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay D/Le booliis  Xasan Aadan Xasan ina Dahabo Maxamed Cabduqaadir, 24 jir ku dhashay Xamar deggan Hodan kana tirsan Boliiska saldhigga Boondheere.

Askarigaan ayuu talisku sheegay inuu  ahaa ninkii riday xabaddii u geeriyoodeen labo ruux oo kale ah, Madiino Cabdullaahi Cabdi ina Faadumo Xuseen Maxamed 17 jir ah ku dhalatay Xamar dagan Boondhere iyo Marxuun Xasan Cali Cadaawe ina Faadumo Cali Xasan 24 jir ah ku dhashay Xamar dagan Boondheere.

Falka Dilka labadaan ruux ee shacabka ah, oo ka dhacay degmada Boondheere, ayaa dhaliyay mudaharaad caraysan oo ay shacabku kagasoo horjeedaan ciidamada dowladda oo ay ku eedeeyeen inay si ula kac ah u dileen dadka shacabka ah.

Lama oga tilaabada dowladdu ka qaadi karto, iyadoo haatan ay weli xiran yihiin askar horey u dilay dad shacab ah, kuwaas oo aan la marsiin mudnaantii ay lahaayeen.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bandowgii magaalada Muqdisho oo aad loo qafiifiyay iyo taliyahii booliska Boondheere oo xilka laga qaaday

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen.  Cabdi Xasan Xijaar oo shir jaraa’id goor dhow ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in xilii laga qaaday taliyaha booliska ee Degmada Boondheere , halkaas oo ay xalay askari ka tirsan booliska uu ku dilay laba qof oo rayid ah.

Sidoo kale taliyaha Booliska Soomaaliya Xijaar ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in saacad dib loo dhigay bandowgii saarnaa caasimadda Soomaaliya, habeenkii, islamarkaana uu bilaaban doono sideedda fiidnimo (8:00PM), halka uu horay u ahaa todobada fiidnimo (7:00pm), taas oo uu ku sheegay in dowladdu ay kaga jawaabeyso cabashada dadka muqdisho.

Taliyaha waxa uu sidoo kale sheegay in uusan bandowga qaban doonin dadka waddooyinka socda, goobaha caafimaadka iyo dadka wax iibsanaya , sidoo kale dadka hor fadhiya guryahooda ayuusan saameyn doonin bandowga saran xilliyada habeenkii ah caasimadda Soomaaliya .

Arrintaan waxey muujineysaa in dowladda Soomaaliya ay aad u qafiifisay bandowgii maalmihii lasoo dhaafay dadku aad uga cabanayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cumar Filish oo goor dhow la hadlay dibad-baxayaasha Muqdisho, kana codsaday in aan la burburin waddooyinka laamiga ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa waxa uu maanta kula hadlay Magaalada Muqdisho boqollaal dibad-baxayaal ah oo kasoo horjeeday fal dil ah oo uu xalay ka geystay askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya Isgoyska Jubba  ee Degmada Boondheere.

Askariga ayaa dilay wiil dhalinyaro ah iyo hooyo umul aheyd dhowr maalin sida lagu sheegay xog laga helay ehelada labada marxuum.

Dibad-baxa oo xalay bilowday ayaa waxa uu aad usii xoogeystay saaka, kadib markii dad u badan dhalinyaro iyo haween ay taayarro ku gubeen dhowr waddo oo muhiim u ah isu-socodka dadka iyo gaadiidka Caasimadda Soomaaliya. Waxeyna qaarkood la wadaageen warbaahinta  hadallo kulul iyo farriimo ku socday madaxda dowladda gaar ahaan , Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa waxa  dibadbaxayaashii uu la kulmay uu u sheegay , in askarigii dilka geystay uu ku jiro jeelka dhexe ee Muqdisho, lana horgeyn doono cadaaladda, sidoo kalena la tix-gelinayo cabashada shacabka iyo dareenkooda, dowladduna ay ka fadhiso bandowga iyo sidii laga yeeli lahaa, dhowaanna lagasoo saari doono war arrintaasi la xiriira.

Dhinaca kale waxa uu ugu baaqay dibadbaxayaasha iney u turaan waddanka, oo aan la burburin waddooyinka iyo goobaha danta guud ee lagu dhisay canshuurta laga qaaday bulshada, taas oo meesha ka saareysa heykalka dib u kabasho ee Soomaaliya hadda ka muuqanaya , gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

Xalay iyo saaka waxey Muqdisho ku sugneyd saacado jahwareer ah, waxaana hadda la eegayaa tilaabada tan xigta oo ay madaxda sare qaadaan , si ay uga jawaabaan cabashada bulshada iyo culeysyada jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.