Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo caawa guryahooda ku booqday ehellada dadkii la dilay balan qaadna u sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa guryahooda ku booqday qoysaskii laga dilay labadii qof ee shacabka ahaa, kuwaas oo degmada Boondheere uu xalay ku dilay askari ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa qoysaskii uu la kulmay uga tacsiyadeeyey gaarida dadkii laga dilay, waxuuna u balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu kafaala qaadayo nolashooda.

Sidoo kale duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa qoysaskaas u balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo marsiin doono askarigii dilay dadkooda.

Labada marxuum ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe, kuwaas oo askari ka tirsanaa booliska ka howlgala saldhigga degmada Boondheere uu dil u geystay xalay xilligii uu bilaabanayey dhaqan-galka bandowga saran magaalada.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa sheegay in la xiray askarigaas cadaaladana la marsiin doono, sidoo kale Taliye Xijaar ayaa sheegay in xilkii uu ka qaaday Taliyihii booliska degmada Boondheere oo uu hoos tegay askariga dilka geystay, isagoo ku goodiyey in askarigii dambe oo dhib u geysta shacabka xataa taliyihiisa lala xisaabtami doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this