Deeq A. Posted April 25, 2020 Garowe (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqdey shan kiis cusub oo ah Coronavirus. Jaamac Faarax Xasan, oo ah wasiirka wasaaradaas, ayaa sheegay in bukaanada cusub ay kamid yihiin 11 ruux oo horey looga baarey. Sidda laga soo xigtay wasiirka, afar kamid ah shaqsiyaadka cusub ee xanuunka uu soo ritay waa rag, qofka kalena waa dumar. Tani ayaa ka dhigan in tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanada Puntland ay gaartay lix, maadaama uu qof horey u jiray. Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in qaar kamid ah bukaanada cusub ay xiriiro la sameeyeen ruuxii koowaad. Puntland ayaa horey u sheegtay in ay karantiishay 40 qof oo lagu tuhmayo xanuunka, kuwaas oo sugaya natiijada baaritaan laga qaadey. View the full article Share this post Link to post Share on other sites