Sign in to follow this  
Deeq A.

Bandowga Muqdisho oo markale is-bedal lagu sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo goordhow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dib loogu celiyey 8:00 habeenimo bandowga saaran magaalada Muqdisho, kaasoo la soo rogay si loo xakameeyo Corona.

Xijaar ayaa sheegay in bandowga uunan saameyn doonin dadka lugeynaya ama socda, isagoo tilmaamay inay kaliya mamnuuc tahay isu-imaatinada guud ee dadweynaha.

Sidoo kale taliyaha Booliska ayaa shaaciyey in xil ka qaadis uu ku sameeyey taliyihii saldhigga degmada Baoodheere Najiib Carab, kaas oo uu xalay askari ka mid ah ciidamadiisa laba qof oo shacab ahaa uu ku toogtay agagaarka isgoyska Jubba.

Najiib Carab

Ugu dambeyn taliye Xijaar ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, sidoo kalena ay u hoggaan-samaan awaamiirta dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this