Deeq A. Posted April 25, 2020 War ka soo baxay afhayeenka ciidanka difaaca ee Uganda Richard Karemire ayaa looga warbixiyay weerar is-miidaamin ahaa oo shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dalkaasi ay ku leeyihiin degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalka afhayeenka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ay fashiliyeen weerar ay shalay galinkii hore Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig milatari oo ay ku leeyihiin nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Richard Karemire afhayeenka ciidamada difaaca ee wadanka Uganda ayaa sidoo kale qoraalka uu soo saaray ku xusay in ciidamada AMISOM ay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay qarxiyeen laba gaari oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa. Dhinaca kale afhayeenka ayaa tilmamay in ciidamada AMISOM ee weerarka lagu soo qaaday khasaare dhimasho iyo dhaawac midna uusan ka soo gaarin weerarka is-miidaaminta ah ee lala eegtay saldhigga ay ku leeyihiin magaallo xeebeedka Baraawe. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in heegan la galiyey ciidamada ku sugan saldhigga ay shalay weerarka ku qaadeen Al-Shabaab oo sheegatay inay khasaare dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiisay ciidamadii ku sugnaa gudaha xeradaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites