Sign in to follow this  
Deeq A.

Heliwaa iyo Xamar-Weyne oo caawa ku tartamaya Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Labad degmo ee kal ah Heliwaa iyo Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir ayaa caawa lagu bilaabi doonaa tartanka u dhexeeya degmooyinka ku wada jira Group-ka B, is aragiisa koowaad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Group-kaan ayaa waxaa isku arki doona degmooyinka Heliwaa iyo Xamar-Weyne, lugta xigtana Balcad iyo Dayniile, kuwaas oo sanadkaan ka qeyb-galaya taratanka Shabelle.

Tartamayaasha kala matalaya labada degmo ayaa haatan wada diyaar garow ku aadan barnaamijka caawa, si degmo weliba ay u difaacato dhib-caheeda.

Barnaamijka tartan aqooneedka Shabelle oo caawa galaya habeenkiisii saddexaad, ayaa waxaa illaa iyo hadda ka qeyb galay, afar degmo oo kala ah Wadajir iyo Dharkenley oo bar-bar dhac galay habeenkii koowaad ee tartanka, Kaaraan iyo Howlwadaag oo iyana xalay galay bar-bar dhac, kadib markii ay kala heleen min 8 dhibcood.

La arki doonee caawa degmada badisa Heliwaa iyo Xamar-Weyne oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this