Sign in to follow this  
Deeq A.

CUMAR Filish oo shaaca ka qaaday in go’aan laga soo saarayo bandowga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta hortagay boqolaal dadweyne ah oo ka careysan laba qof oo uu xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya dil uu ugu  geystay agagaarka isgoyska Jubba ee degmada Boondheere.

Filish oo tegay taalada Daljirka Daahsoon oo ay isu soo baxeen dibadbaxayaasha ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad dheer, isaga oo ka dalbaday inay is dajiyaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhibanayaasha ay la qeybsanayaan dhacdada taagan, islamarkaana cadaaladda la hor keeni doono askarigii ka dambeeyey falkaasi.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ka dalbaday ehellada marxuumiinta iyo dibadbaxayasha inay foodada joojiyaan, islamarkaana ay ka war sugaan dowladda federaalka iyo maxkamadeynta askariga dilka geystay oo haatan gacanta lagu hayo.

Intii ay socotay khudbada Filish ayaa dadku waxa ay ku qeylinayeen erayo ay ku cabirayeen dareenkooda, iyagoo codsaday in si deg-deg cadaalada loo horkeeno askariga toogashadaasi fuliyey oo ka tirsan ciidamada Booliska degmada Boondheere.

Dhinaca kale guddoomiye Filish oo hadalkiisa sii wata ayaa xa-gudub ku tilmaamay bandowga habeenkii ah ee saaran magaalada Muqdisho, kaas oo saameeyey shacabka.

“Dhacdada xalay dhacday waa mid aan idinla qeybsanayo xannuunkeeda askariga dilay dadka waxaa loo qaaday xabsiga ciddii amartay iyo isaga tallaabo cad ayey ka qaadeysa dowalddu, bandowga iyo waxayaabaha kale ee caqabadda ku ah bulshada taladeeda dowladdaa u fadhida go’aannaa ka imaanaaya saacadaha soo socda.” ayuu yiri Filish.

Xalay ayey aheyd markii labo qof oo shacab ahaa bandowga dartiis toogasho loogu dilay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this