Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshin culus oo laga gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimadda Online) – 66 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayay ku eedeeyeen ku takfal Awoodeeda iyo in uu sidoo kale ku fashilmay qabsoomida kulamada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen in uu faragalin joogto ah uu ku haayo laanta fulinta, islamarkaana uu xoogeystay Khilaafka kala dhaxeeya Madaxda Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa xusay in uu jabiye Gudoomiye Barre Dastuurka maamulka Hirshabeelle, islamarkaana xilka qaadis lagu sameeyay Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle uu diiday.

Xildhibaanadaan ayaa taageersan Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare, waxaana mudooyinkii dambe oo ifbaxayay Khilaaf Xoogan oo u dhexeeyo Dr Waare iyo Gudoonka Baarlamaanka Maamulkaasi.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ka dalbaday inuu keeno Xisaab xirka lacag dhan toban kun oo doolar oo bil waliba uu ka qaadan jiray Guddoonka Golaha Shacabka soomaaliya, taasi oo ay sheegeen inaysan soo gaarin Baarlamaanka Hirshabelle.

Halkaan hoose ka akhriso mooshinka laga gudbiyey

94138302_235232461224980_404542461086112 94350665_235232484558311_842601687738535 94579135_235232507891642_524505845036220

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this