Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Sawirka Farmaajo oo lagu soo riday Muqdisho iyo carrada shacabka oo kasii dartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dibad-baxyada ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa kasii daray, ayada oo ay korortay carrada ka dhalatay dil uu askari ka tirsan ciidamada dowladda xalay u gaystay laba qof oo shacab ah.

Dadkan ayaa waxaa loo dilay inay jebiyeen bandowga ay dowladda saartay Muqdisho, oo ka billaabanaya 7-da habeennimo.

Carrada ayaa waxa hadda u muuqataa inay ku wajahan tahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana la arkayey dibad-baxayaal ku sugan Barta wareegsan (roundabout) ee degmada Shingaani, oo soo ridaya sawirka Madaxweyne Farmaajo ee halkaas ku dheggan.

94385111_463157027796509_829807829278785

Dadkaan careysan ayaa sidoo kale ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah madaxweynaha iyo ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa booliska.

Carrada ka muuqata shacabka Muqdisho ayaa ah mid aan horey loo arag, waxaana laga cabsi qabaa inay xaaladda faraha kasii baxdo, haddii aanay dowladda xal deg deg ah la iman.

Allaha u naxariistee labada marxuum ee la dilay, ee dhaliyey kacdoonka shacabka Muqdisho, ayaa kala ahaa. 1- Marxuumada Madiino Cabdullaahi Cabdi ina Faadumo Xuseen Maxamed 17 jir ah ku dhalatay Xamar daganeyd Boondhere. 2 – Marxuun Xasan Cali Cadaawe ina Faadumo Cali Xasan 24 jir ah ku dhashay Xamar daganaa Boondheere.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay D/Le booliis 26869 Xasan Aadan Xasan  24 jir, kaasi oo hadda ku jira gacanta Hay’addaha Garsoorka dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka dad soo ridaya sawirka Farmaajo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this