Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo amartay in dadku guryahooda ku tukadaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Awqaafka iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay awaamiir ku aadan sida bulshadu ay u oogayaan salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda,inta lagu guda jirow xiliyada Bandowga.

Wasiirka Awqaafka iyo Arrimaha diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan,wasiir ku-xigeenka Cismaan Aadan Dhuubow iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya, ayaa kulan arrimahaasi looga hadlayay xalay la yeeshey Culimaa’udiinka Muqdisho.

Wasaaradda ayaa soo saartay amar ah in dadku salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda ay ku tukadaan guryohooda,islamarkaana loo hoggaansamo awaamiirta dowladda ee bandowga habeenkii, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus.

Waxaan culimada isla qaadanay in loo hoggansamo amarada bandowga ah oo ka bilaabanaya 7:00 fiidnimo kuna eg 5:00 subaxnimo,dadkuna ay guryohooda ku dukadaan inta bandowga uu jiro,waana uga mahadcelinayaan culimada aan go’aankaasi isla qaadanay” ayuu yiri wasiir Sheekh Nuur.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo amartay in dadku guryahooda ku tukadaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this