Sign in to follow this  
Deeq A.

Bannaanbax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho dad careysan ayaa ilaa xalay ka wada bannaanbax ay uga soo horjeedaan labo qof oo rayid ah oo xalay fiidkii ay dileen ciidamada bandowga.

Bannaanbaxyaasha oo u badnaa dhalinyaro ayaa maanta xiray wadadda u dhaxeysa baarlamaankii hore ilaa Isgoyska Jubba, waxayna gubeen taayiro iyo boorar ay ku dhaganaayeen madaxda dowladda Soomaaliya.

Bannaanbaxyaasha ayaa dalbnayey in caddaaladda la hor keeno ciddii ka dambeysay dilkii xalay labo qof oo rayid ah loogu geystay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

duqa.jpg?w=1000&ssl=1

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish oo Taallada Daljirka Dahsoon kula hadlay bannaanbaxyaasha ayaa sheegay in maxkmad la soo taagi doono ciddii geystay dilka.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar Finish ayaa tilmaamay in madaxda sare ay go’aan ka soo saari doonaan bandowga iyo awaamiirta la xiriira Covid-19 ee Muqdisho saaran.

duqa1.jpg?w=1000&ssl=1

Dhankale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa taliska qeybta booliska gobolka Banaadir kula kulmay qoysaskii marxuumiintii xalay lagu dilay Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay magaca iyo sawir asakri ay sheegtay in uu geystay dilkii xalay ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST

The post Bannaanbax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this