Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaaraan iyo Howlwadaag oo ku baratamay tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir ayaa xalay ku loolamay barnaamijka faca weyn ee tartan aqooneedka Shabelle.

Labada degmo oo ku wada jiray Group-ka A is araga koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan.

Tartamayaasha kala matalayey Kaaraan iyo Howlwadaag ayaa sidoo kale muujiyey dadaal badan, waxaana ay galeen bar-bar dhac, si la mid ah degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley oo habeen hore lagu daah-furay barnaamijka tartan aqooneedka Shabelle.

Guddoomiyaha guddiga tartanka, Xasan-Weli Sheekh Abuubakar oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in degmada Kaaraan ay la timid dhibco gaaraya sideed, halka degmada Howlwadaag ay si la mid ah iyana keensatay sideed buundo.

Degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag ayaa u dambeeyey Group-ka A, wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoona la guda geli doono Group-ka B oo ay ku wada jiraan illaa afar degmo, iyadoona caawa lagu bilaabi doono degmooyinka kala ah, Heliwaa iyo Xamar-Weyne oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this