Sign in to follow this  
Deeq A.

Wicitaankii teleefon ee Putin iyo Mohamed Bin Salman ee sababay dagaalka 2-da dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimada Online) – Wicitaan teleefon oo bishii tegtay dhex-maray dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa isku rogay inay isku qeyliyaan, taasi oo horseeday in Riyadh ay suuqyada caalamka kusoo fasaxdo saliid dhulka gaysay qiimihii, ayada oo ku xumeyneysa Ruushka.

Saraakiil Sacuudiyaan ah oo xog-ogaal u ahaa wicitaanka teleefon ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye, inuu halis geliyey inuu tir-tiro bilo labada dal ay isku soo dhowaanayeen, oo la isku raacay ganacsi hub oo baaxad leh.

Wicitaanka teleefon ayaa dhacay ka hor kulankii dalalka OPEC+ ee 6-dii March, kaasi oo dalalka soo saara saliidda ay ku guul-darreysteen inay isku raacaan in la dhimo wax soo-saarka saliidda, kadib markii uu hoos u dhacay dalabkii, sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

“Kahor kulankaas waxaa jiray in Putin iyo Mohamed Bin Salman ay ku wada-hadleen taleefonka. Bin Salman wuxuu ahaa qof daan-daansi uu ka muuqday, wuxuuna waqti u qabtay Putin. Wuxuu ku hanjabay in haddii aan heshiis la gaarin ay Sacuudiga billaabi doonaan dagaal dhanka qiimaha saliidda ah,” ayuu yiri qof xog-ogaal u ahaa kulanka.

“Kulanka wuxuu ahaa mid isla-weyni ay ku jirtay, labadoodaba way isku qeyliyeen. Putin wuxuu diiday waqtiga uu u qabtay Bin Salman, wuxuuna wicitaanka teleefon kusoo dhammaaday si xun,” waxaa sidaas yiri sarkaal Sacuudiyaan ah oo codsaday inaan la magacaabin.

Kahor inta uusan daan-daansan Putin, Bin Salman ayaa marka hore la socodsiiyey Jared Kushner, oo ah wiilka soddoga uu yahay madaxweyne Donald Trump, ahna la-taliyihiisa sare.

“Wicitaanka Putin waxaa fasax loogu haystay Trump, ayada oo loo marayo Kushner. Kushner ma uusan weydiisan Bin Salman inuu waco Putin, balse sidoo kale ma muujin diidmo, kadibna Bin Salman isaga ayaa go’aankiisa gaaray,” ayuu yiri il-wareed xog-ogaal ah.

Qiimaha saliidda caalamka ayaa dhulka galay kadib kulankii OPEC+ kadib markii Ruushka iyo dalalka kale ay ku guul-darreysteen inay isku raacaan in wax soo-saarka saliida la dhimo 1.5 milyan oo barmiil maalinkiiba.

Warbixino kulanka laga helay ayaa sheegay in Sacuudiga ay isku dayeen inay awood u muujiyaan Ruushka. “Waxaan aragnay in la isku dayey in Putin gees loo riixo,” ayuu yiri qof ku sugnaa kulanka.

Sacuudiga ayaa kadib carro darteed kordhiyey wax soo-saarka saliidda si loo qiimo tiro, loona dhaawaco dakhliga iyo dhaqaalaha Ruushka.

Tani waxay sidoo kale xumeysan xiriir muddo bilo ah ay isugu soo dhowaanayeen labada dal, oo Ruushka uu hub kaga iibin lahaa Sacuudiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this