Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Kuwayt oo ka wada-hadlay Xakamaynta COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   
Khayre-2.jpg?w=1000&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaaraha dowladda kuwayt, Sheikh Sabaax Khaalid Al-xamdi Ala-Sabaax, ayaa xalay wada-hadal Khadka Taleefonka ah yeeshay, sida laga soo xigtay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Qoraal ay warbaahintu ka soo xigatay xafiiska Ra’iisul wasaare Khayre, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada, Amniga iyo Siyaasadda, islamarkaana ay isla soo qaadeen sida dowladda Kuwayt Soomaaliya uga garab-siin karto xakamaynta xanuunka COVID-19.

Waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, waxay isla soo qaadeen sida ay Kuwayt Soomaaliya garab uga siin karto xakamaynta safmarka COVID-19” ayaa lagu yiri Qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Kuwayt oo ka wada-hadlay Xakamaynta COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this