Deeq A. Posted April 25, 2020 Madaxweyne ku rafaaday xidhashada Maaskarada Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayey ku adkaatay inuu maaskarada xidho Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa wuxuu ku dhibtooday xirashada maaskarada, kaddib markii uu dhammeeyay khudbad uu shacabka ugu boorrinayay inay ku xirtaan goobaha ay dadka joogaan. Ramaphosa ayaa khudbadda uu jeediyay ku sheegay inuu khfiifiyay qaar ka mid ah xayiraadihii saarnaa waddankiisa, kuwaasoo markii hore uu sabab u ahaa cudurka safmarka ah ee coronavirus. Hase ahaatee markii uu hadalkiisa gabagabeeyay ayuu damcay inuu xirto maaskarada, laakiin waxay ku qaadatay muddo – dhowr jeer ayuuna ku guul darreystay. Xitaa markii ugu horreysay wuxuu isaga xiray indhaha. ‘Wali guryihiina iska sii jooga’ Madaxweyne Ramaphosa ayaa sheegay in laga billaabo bisha soo socota uu dalka ka kafiifin doono xayiraaddii dhaqdhaqaaqa dadweynaha. Laakiin wuxuu dadka ku boorriyay inay wali guryahooda iska sii joogaan, sidoo kalena ay xirtaan marada afka lagu duubto ee loo yaqaanno Maaskarada, gaar ahaan marka ay ku sugan yihiin gooaha dadweynaha. “Wali aan sii wadno inaan guryaha joogno, wali aan sii wadno dadaalka aan ku ilaalineyno caafimaadkeenna, waadna ku mahadsan tihiin wax kasta oo aad sameyseen oo haddana aad sii wadeysaan. Alle ha barakeeyo Koonfur Afrika, dadkeedana ha badbaadiyo,” ayuu kusoo gabagabeeyay khudbaddiisa. “Xujada xirashada Maaskarada ee Cyril” Muuqaalka laga arkayo madaxweyne Cyril Ramaphosa oo ku rafaadaya xirashada Maaskarada ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, waxayna dad badan ku maadeysaneyeen inay tahay xujo. Baraha Twitter-ka ayaa lagu wareejinayay halkudhigyo shactiro ah oo lagu sheegay xujo uu madaxweynaha billaabay, sida #MaskOnChallenge iyo #CyrilMaskChallenge. Mamnuucistii iibinta sigaarka oo lagu dhawaaqay 27-kii March ayaa hadda meesha laga saaray Marka laga soo tago ballan qaadka khafiifinta xayiraadda dhaqdhaqaaqa, madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa sidoo kale mamnuucista ka qaaday ganacsiyadii la diiday in lasii wado. 1-da bisha May ayaa dib loo furi doonaa qaar ka mid ah ganacsiyada, saddex meelood meel ka mid ah shaqaalahoodana dib ayey ugu laaban karaan shaqada. Tallaabooyinka ugu adag ee ganacsiyada laga qaaday waxaa ka mid ahaa in la mamnuucay iibinta sigaarka, laakiin taas ayaa meesha laga saaray hadda. Carruurta ayaa guryaha jooga laakiin iskuullada qaarkood ayaa dib loo furi doonaa 1-da bisha May Iskuullada oo in muddo ah xirnaa ayaa dib loo furi doonaa marka ay billaabaneyso bisha May. Laakiin waxaa ku xiran shuruudo ay ka mid tahay in ardayda lagu kala fogeeyo fasallada ay wax ku baranayaan. Mr Ramaphosa ayaa dhanka kale ka digay khatarta ka imaan karta inuu cudurka dib ugu soo labakacleeyo bulshada. Koonfur Afrika waxay ka mid tahay dalalka qaaradda ee uu saameynta ugu xun ku yeeshay safmarka coronavirus. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites